Tuesday, March 3, 2026

Khumeyni oo wacad ku maray in Maraykanka uu ka shalaay doono haddii uu soo weeraro

Hoggaamiyaha Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ka digay in ku lug lahaanshaha tooska ah ee Mareykanka uu ku leeyahay dagaalka Israel uu yeelan doono cawaaqib aan laga soo kabsan karin.

khudbad uu ka jeediyay taleefishinka ayuu ku eedeeyay in Maamulka Sahyuuniyadda ee Israa’iil inay samaysay khalad weyn ayna wajihi doontaa cawaaqib xun.

“Maraykanku waa in ay fahmaan in faragelin kasta oo militari ay shaki la’aan keeni doonto waxyeelo aan laga soo kaban karin, waa in ay ogaadaan in Iran aysan isdhiibin, weerar kasta oo Mareykanku uu ku qaado Mareykanka waxa uu ku kici doonaa cawaaqib xun oo aan laga soo kabsan karin.”

Waxa uu sheegay in Iran aysan cafin doonin ku xadgudubka hawada dalkeeda ama dhiigga shuhadadeeda.

Hogaamiyaha Iran ayaa carabka ku adkeeyay in wadankiisu uusan aqbali doonin nabad ama dagaal kor looga keenay.Talaadadii, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa uGu baaqay Iran inay si shuruud la’aan ah isu dhiibto.

Xiisada gobolka ayaa cirka isku sii shareertay tan iyo Jimcihii, markaasoo Israa’iil ay duqaymo xagga cirka ah ka fulisay goobo badan oo Iran ah, oo ay ku jiraan xarumaha militariga iyo Nukliyeerka, taasoo keentay in Tehran ay qaado weeraro aargoosi ah.

Maamulka Israel ayaa sheegay in ugu yaraan 24 qof ay ku dhinteen boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen weerarrada gantaallada ee Iran. Dhanka kale, dalka Iran, 585 qof ayaa lagu dilay in ka badan 1,300 oo kalena waa lagu dhaawacay weerarka Israel, sida ay sheegtay warbaahinta Iran.

 

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles