Khumeyni oo wacad ku maray in Maraykanka uu ka shalaay doono haddii uu soo weeraro

Hoggaamiyaha Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ka digay in ku lug lahaanshaha tooska ah ee Mareykanka uu ku leeyahay dagaalka Israel uu yeelan doono cawaaqib aan laga soo kabsan karin.

khudbad uu ka jeediyay taleefishinka ayuu ku eedeeyay in Maamulka Sahyuuniyadda ee Israa’iil inay samaysay khalad weyn ayna wajihi doontaa cawaaqib xun.

“Maraykanku waa in ay fahmaan in faragelin kasta oo militari ay shaki la’aan keeni doonto waxyeelo aan laga soo kaban karin, waa in ay ogaadaan in Iran aysan isdhiibin, weerar kasta oo Mareykanku uu ku qaado Mareykanka waxa uu ku kici doonaa cawaaqib xun oo aan laga soo kabsan karin.”

Waxa uu sheegay in Iran aysan cafin doonin ku xadgudubka hawada dalkeeda ama dhiigga shuhadadeeda.

Hogaamiyaha Iran ayaa carabka ku adkeeyay in wadankiisu uusan aqbali doonin nabad ama dagaal kor looga keenay.Talaadadii, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa uGu baaqay Iran inay si shuruud la’aan ah isu dhiibto.

Xiisada gobolka ayaa cirka isku sii shareertay tan iyo Jimcihii, markaasoo Israa’iil ay duqaymo xagga cirka ah ka fulisay goobo badan oo Iran ah, oo ay ku jiraan xarumaha militariga iyo Nukliyeerka, taasoo keentay in Tehran ay qaado weeraro aargoosi ah.

Maamulka Israel ayaa sheegay in ugu yaraan 24 qof ay ku dhinteen boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen weerarrada gantaallada ee Iran. Dhanka kale, dalka Iran, 585 qof ayaa lagu dilay in ka badan 1,300 oo kalena waa lagu dhaawacay weerarka Israel, sida ay sheegtay warbaahinta Iran.

 

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles