Sanbaloolshe oo markale ku soo laabtay Golaha Shacabka ee BF

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa si rasmi ah loogu doortay mar kale Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo ku guuleystay kursiga #HOP058. Tani waxay noqonaysaa markii saddexaad ee uu ku fadhiisto kursigan muhiimka ah.

Sanbaloolshe ayaa sanad ka hor iska casilay kursiga kadib markii loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), xilkaas oo laga qaaday toddobaad kahor.

Ku soo laabashadiisa baarlamaanka ayaa loo arkaa talaabo istaraatiiji ah oo muujineysa in uu markale kusoo laabanayo saaxadda siyaasadeed ee heer qaran.

Kursigan #HOP058 wuxuu ka mid yahay kuraasta ugu miisaanka culus, waxaana lagu tilmaamaa mid fure u noqon kara loolan siyaasadeed oo cusub, xilli dalka uu wajahayo marxalad kala guur ah oo ay ka socdaan doodo ku saabsan dib u eegista Dastuurka, Doorashooyinka iyo arrimaha amniga.

Indhaha siyaasadda ayaa hadda ku sii jeeda Sanbaloolshe, iyadoo la saadaalinayo halka uu ka bilaabi doono dhaqdhaqaaqiisa cusub, iyo in uu qeyb ka noqon doono miisaanka awood qeybsiga cusub ee siyaasadda dalka.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles