Monday, July 20, 2026

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka tacsiyeeyay geerida Suuri Diiriye Carab oo ah Xildhibaan hore

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska iyo qaraabada ay ka geeriyootay Allaha u naxariistee marxuumad Xildhibaan hore Suuri Diiriye Carab.

Guddoomiyaha ayaa marxuumadda Alle uga baryay in uu ka waraabiyo jannatul Fardowsa ,isagoo qoyskii iyo qaraabadii ay ka tagtayna faray Samir iyo iimaanna.

Marxuumad Suuri ayaa ahayd xubin ka tirsan Baarlamaannadii dalka soo maray laga soo bilaabo Baarlamaankii lagu soo dhisay Magaalaadda Carta sanadkii 2000 ilaa Baarlamaankii 10-aad.

Marxuumadda ayaa xalay ku geeriyootay Magalada Muqdisho,kadib kolkii ay muddooyinkaan ku xanuunsaneyd magaalada caasimadda ah.

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Caawa waxaa soo gabagaboobaya tartankii Koobka Adduunka ee ugu dheeraa taariikhda

Ka dib shan toddobaad oo tartan ah iyo 104...

Masar iyo Soomaaliya oo ka wadahadlay Badmaaxiinta lagu afduubtay dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel Aaty, ayaa...

Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 8-aad ee BFS oo la Shaaciyay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ruto oo Ballanqaaday inuu Taageerayo Musharraxa ay Ku Midoobaan Soomaalida Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa kulan albaabadu u xiran...

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga Ka Dalbaday Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip ErdoÄŸan, ayaa si rasmi ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles