Monday, June 22, 2026

howlgal qorsheysan oo lagu dilay kooxo AS ah oo ku sugnaa Sh/Dhexe

Ilaa 12 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal ayaa lagu dilay howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo Saaxiibada Caalamka .

Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday guri ku yaalla degmada Aadan Yabaal, oo AS u aheyd xarun istaraatiiji ah oo lagu uruuriyo saanadda ciidanka, sidoo kalena laga abaabulo maleeshiyaadkooda.

Intii uu socday howlgalkaas, waxaa sidoo kale la burburiyay gaadiid dagaal, hub farabadan iyo saanado kale oo muhiim u ahaa cadowga, iyadoo howlgalkaan uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Bartilmaameedka howlgalkaan waxaa qayb ka ahaa horjoogayaal si wayn loo daba socday kuwaas oo dhibaato badan u gaystay shacabka Soomaaliyeed, waxaana dib laga soo sheegi doonaa magacyadooda marka la xaqiijiyo.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamka waxaa ka go’an ciribtirka  AS ah, iyadoo aysan jirin meel ay ku baxsan karaan horjoogayaasha ku naaxay dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

R/wasaaraha UK oo is casilay

Raysal wasaaraha UK Keir Starmer ayaa sheegay inuu iska...

Booliska oo xiray Laba eedeysane oo TikTok ku Faafinayay Anshax-Xumo

Ciidanka Booliska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Garasbaaley, ayaa fuliyay...

 Wasiir Fiqi: “Cadowga Soomaaliya iyo Gooni-u-goosadku Ma guulaysan doonaan”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in...

Kenya oo Ciidamo Cusub u diyaarisay Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa soo gabagabeeyay tababar adag...

DF oo Cambaareysay Xadgudub loo geystay Gabar Soomaaliyeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay fal...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles