Sunday, August 16, 2026

Sanbaloolshe oo markale ku soo laabtay Golaha Shacabka ee BF

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa si rasmi ah loogu doortay mar kale Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo ku guuleystay kursiga #HOP058. Tani waxay noqonaysaa markii saddexaad ee uu ku fadhiisto kursigan muhiimka ah.

Sanbaloolshe ayaa sanad ka hor iska casilay kursiga kadib markii loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), xilkaas oo laga qaaday toddobaad kahor.

Ku soo laabashadiisa baarlamaanka ayaa loo arkaa talaabo istaraatiiji ah oo muujineysa in uu markale kusoo laabanayo saaxadda siyaasadeed ee heer qaran.

Kursigan #HOP058 wuxuu ka mid yahay kuraasta ugu miisaanka culus, waxaana lagu tilmaamaa mid fure u noqon kara loolan siyaasadeed oo cusub, xilli dalka uu wajahayo marxalad kala guur ah oo ay ka socdaan doodo ku saabsan dib u eegista Dastuurka, Doorashooyinka iyo arrimaha amniga.

Indhaha siyaasadda ayaa hadda ku sii jeeda Sanbaloolshe, iyadoo la saadaalinayo halka uu ka bilaabi doono dhaqdhaqaaqiisa cusub, iyo in uu qeyb ka noqon doono miisaanka awood qeybsiga cusub ee siyaasadda dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Safar Dhulka ah Ku Gaaray Degmada Cadaado

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Guddoomiye Jaamac oo la kulmay Xildhibaanada Mucaaradka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Taliska NISA oo sheegay in howlgal ka dhacay Hiiraan lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab (Copy)

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

MW Xasan Sheekh oo maanta tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Miliateriga Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tababar u soo xiray...

Mareykanka oo Muqdisho u soo diray Ku-xigeenka Madaxa Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa Ruth Anne Stevens-Klitz u magacawday Ku-xigeenka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles