howlgal qorsheysan oo lagu dilay kooxo AS ah oo ku sugnaa Sh/Dhexe

Ilaa 12 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal ayaa lagu dilay howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo Saaxiibada Caalamka .

Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday guri ku yaalla degmada Aadan Yabaal, oo AS u aheyd xarun istaraatiiji ah oo lagu uruuriyo saanadda ciidanka, sidoo kalena laga abaabulo maleeshiyaadkooda.

Intii uu socday howlgalkaas, waxaa sidoo kale la burburiyay gaadiid dagaal, hub farabadan iyo saanado kale oo muhiim u ahaa cadowga, iyadoo howlgalkaan uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Bartilmaameedka howlgalkaan waxaa qayb ka ahaa horjoogayaal si wayn loo daba socday kuwaas oo dhibaato badan u gaystay shacabka Soomaaliyeed, waxaana dib laga soo sheegi doonaa magacyadooda marka la xaqiijiyo.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamka waxaa ka go’an ciribtirka  AS ah, iyadoo aysan jirin meel ay ku baxsan karaan horjoogayaasha ku naaxay dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles