Tuesday, June 23, 2026

Kalfadhiga 6aad ee BFS oo la shaaciyay waqtiga uu xirmayo

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay in maalinta berri oo ku beegan 22-ka Juun 2025 uu xirmayo Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka 11aad ee dalka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Guddoonka ayaa lagu xusay in go’aankan uu ku saleysan yahay waajibaadka Dastuuriga ah, gaar ahaan Qodobbada 66-aad (2), 74-aad (2) ee Dastuurka KMG ah, iyo Qodobka 23-aad (1) ee Xeer-hoosaadka Aqalka Sare iyo Qodobka 21-aad (1) ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Guddoonku wuxuu uga mahadceliyay Xildhibaannada labada Aqal shaqada muhiimka ah ee ay qabteen muddadii kalfadhigu socday, isagoo u rajeeyay fasax caafimaad iyo nabadgelyo ah.

Sidoo kale, waxaa la shaaciyay in kalfadhiga xiga uu dib u furmi doono 22-ka Agoosto 2025, iyadoo Guddoonku ku booriyay Xildhibaannada inay sii wadaan gudashada waajibaadka ay xeerarka u oggol yihiin xilliyada fasaxa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

R/wasaaraha UK oo is casilay

Raysal wasaaraha UK Keir Starmer ayaa sheegay inuu iska...

Booliska oo xiray Laba eedeysane oo TikTok ku Faafinayay Anshax-Xumo

Ciidanka Booliska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Garasbaaley, ayaa fuliyay...

 Wasiir Fiqi: “Cadowga Soomaaliya iyo Gooni-u-goosadku Ma guulaysan doonaan”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in...

Kenya oo Ciidamo Cusub u diyaarisay Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa soo gabagabeeyay tababar adag...

DF oo Cambaareysay Xadgudub loo geystay Gabar Soomaaliyeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay fal...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles