Tuesday, June 23, 2026

Iraan iyo Ruushka oo wadahadlaya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran – oo magaalada Moscow ee dalka Ruushka u jooga wadahadallo – ayaa sheegay in uu “wadahadallo muhiim ah” la yeelan doono madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, kuwaas oo looga hadlayo “caqabadaha joogtada ah iyo hanjabaadaha”.

Ruushka ayaa dhaleeceeyay weerarka Mareykanka uu ku qaaday xarumaha Nukliyeerka Iran iyadoo safiirka Ruushka ee Qaramada Midoobay uu sheegay in Mareykanka uu “furay sanduuqa Pandora”.

Haddii wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Arakchi, uu la kulmo Putin galinka dambe ee maanta, waxa ay u badan tahay in uu taageero ah ka helo hoggaamiyaha Kremlin-ka, laakiin kaalmada milatari ee Moscow ayaa u muuqata mid aan suurtagal ahayn.

Haatan, mudnaanta koowaad ee Ruushku, waa dagaalka uu kula jiro Ukraine.

Waa hubaal in Ruushka iyo Iran ay leeyihiin heshiis iskaashi oo istiraatijiyadeed, laakiin ma aha heshiis difaac oo Moscow kuma qasbana in ay taageero milatari siiso Tehran.

Todobaadki la soo dhaafay, madaxweyne Putin waxa uu sheegay in Iran aysan ka codsan Moscow kaalmo militari, waxaana hadalladiisa ka muuqda in uusan ku degdegin arrintaas.

Aqalka Kremlin-ka ayaa aad u daneynayey in uu xiriir wanaagsan la yeesho labada dhinac, waa Iran iyo Israel – iyo in la dhiso xiriir wada shaqeyn wanaagsan oo lala yeesho madaxweyne Donald Trump

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

R/wasaaraha UK oo is casilay

Raysal wasaaraha UK Keir Starmer ayaa sheegay inuu iska...

Booliska oo xiray Laba eedeysane oo TikTok ku Faafinayay Anshax-Xumo

Ciidanka Booliska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Garasbaaley, ayaa fuliyay...

 Wasiir Fiqi: “Cadowga Soomaaliya iyo Gooni-u-goosadku Ma guulaysan doonaan”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in...

Kenya oo Ciidamo Cusub u diyaarisay Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa soo gabagabeeyay tababar adag...

DF oo Cambaareysay Xadgudub loo geystay Gabar Soomaaliyeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay fal...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles