Soomaaliya oo si adag u cambaareysay weerarka Iran ku qaaday Qatar

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii gantaallaha ahaa ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ku qaaday saldhigga milatari ee Mareykanku ku leeyahay dalka Qatar, gaar ahaan saldhigga Al Udeid.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in falkaasi yahay gardarro cad oo ka dhan ah dowlad madax-bannaan, isla markaana uu khatar gelinayo amniga dadka rayidka ah iyo xasiloonida gobolka.

“Dowladda Soomaaliya waxay si adag u dhaleeceynaysaa falka gardarrada ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan kula kacday Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Waxaa sidoo kale lagu adkeeyay baahida loo qabo in la ixtiraamo xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan kuwa la xiriira ilaalinta dadka rayidka ah iyo bedqabka guud ee gobolka.

Soomaaliya waxay mar kale ku celisay mowqifkeeda cad ee ah garab-istaagga Dowladda Qatar, iyada oo taageero buuxda u muujisay dadaallada ay Qatar ugu jirto difaaca amnigeeda, xasilloonideeda, iyo ilaalinta khayraadka dadkeeda sharafta leh.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, waxaana sidoo kale ugu yeereynaa beesha caalamka inay si mid ah u garab istaagto dadaallada nabadda iyo ilaalinta madax-bannaanida dowladaha.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles