Tuesday, July 1, 2025

RW Xamsa “Mustaqbalka Soomaaliya oo Barwaaqo ah waxaa uu ku jiraa Horumarinta dhaqaalaha Buluugga ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, ayaa sheegay in Wasaaraddan ay ka mid tahay kuwa ugu muhiimsan hiigsiga horumarinta dhaqaalaha dalkeenna, maadaama khayraad badan dalkeennu uu uga imaanayo dhanka badda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in mustaqbalka Soomaaliya horumarsan uu ka iman doono dhanka badda, isla markaana Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ay door muhiim ah ka qaadan doonto kobaca dhaqaalaha dalka maadaama ay hadda kadib yeellan doonto dhisme weyn oo casri ah.

“Dhaqaalaha Buluugga ah waa mid muhiim ah oo la doonayo in Soomaalidu ka faa’iideysato, waanna halka ay ka bilaabmi doonto Soomaaliya barwaaqo ah oo la soo baxda wax-soo saarka badda iyo khayraadka dihan ee dhulkeeda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, waxa uu xusay in laga doonayo dadka Soomaaliyeed in ay degaan dhulka xeebaha ah, dowladduna ay ka hirgalin doonto waddooyin waaweyn oo sahlaya isticmaalka khayraadka badda iyo ka faa’ideysiga dhaqaalaha buluugga ah ee dalkeenna.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW dalka Qatar oo kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliland

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar Sheikh...

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaalamay G/Sh/Dhexe oo maanta ka furmay degmada Warsheekh

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Wasiirka...

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo la kulamaya Madaxda dalka Tanzania

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,...

Puntland iyo saraakiisha Ciidamada Badda Midowga Yurub oo shir xasaasi ah ku yeeshay Boosaaso

Ciidanla Booliska dowladda Puntland iyo Ciidamada Badda Midowga Yurub...

Israa’iil oo amar ku bixisay inay dadku ka baxaan Gaza

Israa’iil ayaa ku amartay Falastiiniyiinta in ay isaga baxaan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles