Soomaaliya iyo South Africa oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga labo geesoodka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, yaa waxaa uu kulan magaalada Pretoria kula yeeshay, dhiggiisa, Wasiirka Xiriirka Caalamiga iyo Iskaashiga ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Ronald Ozzy Lamola, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo ballaarinta dhinacyada iskaashiga.

Kulanka ayaa lagu fallanqeeyay dhowr arrimood oo muhiim ah, sida isku-duwidda iyo wadatashiga arrimaha fagaarayaasha caalamiga, diyaarinta heshiisyada is-afgaradka labada dal ay qorsheynayaan inay wada saxiixdaan oo uu ku jiro heshiis u dhexeyn doona labada dal oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan baasaboorka diblomaasiga iyo kan shaqaalaha shuruudaha dal-ku-galka. Wadahadalka ayaa sidoo kale diiradda lagu saarray fududaynta isku socodka dadka, dib u furidda ergada diblomaasiyadeed ee Koonfur Afrika ay ku lahaan jirtay Caasimadda Muqdisho iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgeshiga iyo amniga.

Wasiir Cabdisalaan ayaa carabaabay tixgelinta uu u haayo Dowladda iyo Dadka Koonfur Afrika ku martigelinta dalkooda jaaliyad Soomaaliyeed oo aad u weyn oo ka qeyb-qaadatay si firfircooni leh dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo dhaqaalaha, isaga oo caddeeyay saaxiibtinimada soo jireenka ah ee labada dal.

Dhankiisa, Wasiir Lamola ayaa markale ku celiyay in Koonfur Afrika ay si sugan oo cad ay u garab taagan tahay midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga iyo horumarinta hindiseyaal wax ku ool ah oo labada dal faa’iido u leh.

Soomaaliya waxa ay Koonfur Afrika la leedahay xiriir saaxiibtimo qoto-dheer, iyadoo ay ku suntantahay taageerrada xooggan ee siyaasdeed iyo mid diblomaasiyadeed ay u fidisay halgankii Koonfur Afrika ee ka dhanka ahaa xukunkii midab-takoorka.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles