Sunday, August 16, 2026

Hogaamiyaha mucaaradka Israa’iil iyo Imaaraatka oo ka wadahadlay xabbad joojinta Qaza

Hogaamiyaha mucaaradka Israa’iil Yair Lapid ayaa sheegay Jimcihii inuu kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Imaaraatka Abu Dhabi, ayna ka wada hadleen dadaalada lagu xaqiijin karo xabbad joojin ka dhacda Qaza.

Lapid ayaa kusoo daabacay sawir ay ku wada jiraan isaga iyo Sheekh Cabdullaahi bin Zayed barta X, isaga oo sheegay, ‘’Waxaan la joogaa saaxiibkeey, wasiirka arrimaha dibadda Imaaraatka, oo habeen hore [Khamiis] kula kulmay Abu Dhabi. Waxaynu ka wada hadalnay horumarada ka socda gobolka iyo dadaalada lagu gaarayo heshiis ka dhaca Qaza iyo soo celinta lahaystayaasha’’.

Wakaalada wararka rasmiga ee Imaaraatka, WAM, ayaa xaqiijisay kulanka Lapid iyo Sheekh Cabdullaahi, laakiin ma aysan magacaabin la kulanka madaxweynaha Imaaraatka Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, kaasi oo Lapid uu sheegay inuu sidoo kale kula kulmay Abu Dhabi

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee cusub oo maanta ku guddoomiyay shirka Golaha Shacabka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga...

Xamsa oo taleefoon kula hadlay ardayda kaalmaha hore ka galay Imtixaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal...

DF oo shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 12-aad

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Koox TikTok u adeegsanaysay iibinta khamriga oo lagu qabtay Gobolka Bari

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa shaaciyay...

Uganda oo sheegtay in Ciidamadeedu sii Joogayaan Soomaaliya

Wasiirka Difaaca iyo Arrimaha Ciidamada Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles