Wednesday, June 24, 2026

Shabaabkii Weraray Buulo Xaaji oo cirka laga duqeeyey

In ka badan 200 oo dagaalyahano ka tirsanal shabaab oo isugu jiray kuwii ku dhaawacmay weerarkii saaka iyo kuwo firxad ah ayaa duqeyn dhanka cirka ah waxaa la eegtay saaxiibada Soomaaliya ka caawiya dhinaca la dagaalanka Argagixisada sida lagu sheegay war ka soo baxay Jubbaland.

“Deegaan lagu magacaabo Dalaayad oo qiyaas ahaan 18-KM degmada Badhaadhe u jira ayaa lagula eegtay duqeynta maleeshiyaadka Argagixisada oo jahwareer badan uu ka muuqday ka gadaal mucjisadii saaka ku qabsatay deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubada hoose” ayaa lagiu yiri war ka soo baxay Jubbaland.

Hay’adaha amniga Jubbaland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in weerarka dhanka cirka ah ee Al shabaab lala eegtay uu sababay khasaaro xooggan oo la gaarsiiyay kooxda.

Al shabaab ayaa saaka si xooggan loogu jebiyey weerar ay ku soo qaadeen degaanka Buulo Xaaji  oo dhowaan laga qabsaday, waxaana hallkaas looga dilay ku dhowaad 100 dagaalyahan halka qaar kale nolosha lagu qabtay, waxaana sawirada meydadka Al shabaab lagu faafiyey baraha bulshada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles