Thursday, April 30, 2026

Dagaal culus oo saaka ka socda duleedka degmada Moqokori ee G/Hiiraan

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan uu dagaal culus ka socdo duleedka degmada Moqokori ee Gobolkaasi, waxaa uuna dagaalka uu u dhexeeya ciidamada dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Dagaalka Xooggan ayaa waxaa uu ka socdaa deegaanka Gumare ee duleedka degmada Moqokori, waxaana saaka dagaalka qaaday ciidamada deegaanka, iyagoona weeraray fariisamo ay maleeshiyaadka Al-shabaab halkaasi ay ku leeyihiin.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka Macawiisleeyda  ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka oo la sheegay inay isku aruursanayeen deegaanka Gumare, iyadoona ugu dambeyntii uu qarxay dagaal culus.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare soo gaaray dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka, inkastoo aan si rasmi ah loo ogaan karin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Mana jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka G/Hiiraan, Hirshabelle iyo dowladda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Uganda oo ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay inay...

Dagaalka Iran oo la sheegay inay sabab u tahay soo laabashada burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya

Warbixin uu daabacay Bloomberg ayaa iftiimisay in xiisadda iyo...

Amniga Baydhabo oo si weyn loo adkeeyay iyo xilli doorashooyin dhawaan la filayo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa wajahaysa xaalad...

Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka oo hal arrin ka wadahadlay

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ayaa kulan la...

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir ka dhacay Itoobiya

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya, Bashiir...

Iran iyo Hindiyo oo wadahadal yeeshay

Safaaradda Hindiya ee Iiraan ayaa ka warbixisay waxa ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles