Ciidamo la dhigay goobaha ganacsiga ee Soomaalida iyo banaanbax laga cabsi qabo inuu ka dhaco Nairobi

Waxaa maanta lagu wadaa inuu dalka Kenya ka dhaco banaanbax ballaaran oo rabshado wata, kaas oo ay abaabuleen kooxo mucaarad ah oo ka soo horjeeda siyaasadaha dowladda.

Banaanbaxyadan ayaa kusoo aadaya  xilli ay sare u kacday cabashada shacabka ee la xiriirta sicir-bararka, musuqmaasuqa, iyo cadaalad-darrada ka jirta nidaamka dowladda.

Wararka laga helayo magaalada Nairobi iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya ayaa sheegaya in la adkeeyay amniga, iyadoo ciidamada booliiska iyo kuwa milaterigaba lagu daadiyay waddooyinka muhiimka ah.

Waxaa jira cabsi laga qabo in banaanbaxyadu isu beddelaan rabshado, sida ay horey u dhacday.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Nairobi, ayaa muujiyay walaac weyn oo ku aaddan ammaankooda iyo hantidooda.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in xarumaha ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed horay loogu bartilmaameedsaday falal bililiqo ah marka ay dhacaan mudaaharaadyo noocan ah.

Dowladda kenya ayaa ciidamo dheeraad ah geysay xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ee dalka kenya.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles