Wednesday, June 24, 2026

Al-shabaab oo gudaha u galay degmada Moqokori iyo wararkii ugu dambeeyay

Xaaladda degmada Moqokori iyo degaanada la xiriira ayaa kacsan, iyadoo warar dheeraad ah laga helayo dagaalo culus oo saaka ka qarxay halkaasi.

Weerarka hore ayaa ka dhacay gudaha xarunta degmada Moqokori, kaasoo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu waday qof is-miidaamiye ah, kaasoo lagu wareeray xaruntii ciidamada dowladda iyo kuwa Macawisleyda Gobolka Hiiraan.

Weerarka labaad oo ahaa mid toos ah ayaa ka dhacay degaanka Gumarre ee duleedka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas maalmahan dagaalo qaraar ku dhex marayeen labada dhinac.

Dagaal xooggan oo la xaqiijiyay inuu ilaa iminka socdo ayaa sheegay in maleeshiyada Al-shabaab gudaha u galeen degmada Moqokori. Sida ay noo sheegeen Saraakiisha ciidamada degaanka, wuxuu dagaalku ka socdaa gudaha Moqokori.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay Moqokori ayna ku dishay in ku dhow 50 askari, balse ma jirto cid xaqiijisay sheegashadan, iyadoo aanay weli wax war ah oo rasmi ah kasoo bixin dowladda Federaalka, Hirshabeelle iyo Maamulka Gobolka Hiiraan.

War saaka lagu qoray warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidamada Qaranka iyo dadka deegaanka ay ka hortageen weerar Khawaarijtu ay maanta ku qaadeen deegaanka Gumare oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, isla markaasina lagu jebiyay oo firxadkooda la sii baacsanayo.

Khasaare badan ayaa ka dhashay dagaalkan, waxaana lasoo weriyay in xubno ka tirsan macaawisleyda Gobolka Hiiraan oo ay ka mid yihiin hoggaamiyeyaayaal caan ka ah gobolka Hiiraan.

Degmada Moqokori ayaa ah istaraatiiji, iyadoo  xiriirisa gobalada Hiiraan, Shabeelada dhexe iyo Galgaduud, Waxay xarun u ahayd isu gudbinta sahayda iyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada dowladda iyo Macaawisleyda deegaanka ka hawlgala.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo shaaciyay inuu ku guuleystay tijaabadda gantaalka casriga ah ee Golden Dome

Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada...

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles