Wednesday, June 24, 2026

MW Xasan Sheekh iyo dhigiisa Masar Al-Sisi oo ka wadahadlay qodobo xasaasi ah

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay qasriga Al-calamayn, dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabeed ee Masar Mudane Cabdifataax Al-Sisi.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha istaraatiijiga ah ee labada dal iyagoo si qotodheer iskula soo qaaday dardargalinta isku xirka labada shacab, waxa uuna Madaxweyne Al-siisi sheegay in ay dhawaan dib uga furan doonaan magaalada Muqdisho xarun Safaaradeed oo muujin doonto mudnaanta ay siinayaan xiriirka iskaashi ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay doorka firfircoon ee Masar ka qaadaneyso taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, diblumaasiyadda, waxbarashada, caafimaadka iyo iskaashiga milatari, waxa ayna isla qaateen Labada Dowladood in la dardargeliyo fulinta heshiiskii iskaashi ee ay wada saxiixdeen Agoosto 2024.

Dhankiisa, Madaxweynaha Masar ayaa muujiyay taageerada joogtada ah ee dalkiisu u hayo shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka argagixisada, waxa uuna Madaxweyne Al-siisi bogaadiyey dadaallada Dowladda Federaalka ee xoojinta midnimada, amniga, iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa adkeeyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee ay la leedahay Dowladda Masar, isagoo uga mahadceliyay martiqaadka diirran ee ay kuu qaabileen wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

Ahlu Sunna Waljamaaca oo laga saaray Liiska Kooxaha lagu eedeeyo Askaraynta Carruurta

Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah ururkii Ahlu Sunna...

Kim Jong Un, ayaa sheegay in dalkiisu uu ciidanka badda ku qalabaynayo hubka niyukliyarka

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa sheegay in...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles