Degmooyin ka tirsan Puntland oo saaka looga dareeray doorasho qof iyo cod ah

Doorasho qof iyo Cod ah ayaa saaka looga dareeray degmooyin ka tirsan Maamulka Puntland, kuwaasi oo si habsami leh ay dad weynuhu u dhiibanayaan codadkooda.

Seddex degmo oo ka tirsan Gobolka Nugaal ayaa saaka aroornimadii safaf loo galay doorasho qof waliba uu codkiisa xor u yahay, laguna dooranayo goloyaasha deegaanka.

Degmooyinka ayaa kala ah Dangorony, Garoowe iyo Godobjiran, horay ayay u baaqatay doorashadii loo asteeyay degmooyinkaasi, taasi oo ay dib u dhigeen khilaaf xooggan oo xiligaasi sababay in gabi ahaanba seddexda degmo ay ka haraan doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee Golayaasha degaanka, balse saaka ayay shacabku u dareereen doorashadii horay kaga baaqatay.

Waxaa markii hore la qorsheeyey in doorashada ay ka dhacdo 37 degmo oo ka tirsan Puntland. balse seddexdaas degmo doorashadu kama dhicin, Sababta ayaana ahayd in xilligaas agabka doorashada uu gacanta u galay dad caraysan iyo meelaha qaar oo khilaaf siyaasadeed uu ka jiray.

WARARKII KALE

Turkiga oo si weyn ugu dhex milmay colaadda siyaasadeed ee Soomaaliya

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa warbixin ay ka qortay...

Uganda iyo Midowga Yurub oo ka wadahadlay arrinta AUSSOM

Dowladda Uganda ayaa Midowga Yurub kala hadashay mustaqbalka howlgalka...

Mustafe Cagjar oo mar kale loo doortay xilka madaxweynaha deegaanka Soomaalida

Madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa...

DF oo maanta qaadaysa Tallaabo saameyn ku yeelan karta dadka u safraya dibadda

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta, 1-da Oktoobar 2026, dhaqan gelinaysa...

AFRICOM oo duqeymo ka fulisay Jubbada Hoose

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in...

Iiraan oo Imaaraadka Carabta uga digtay in ay martigeliyaan Raysalwasaaraha Israa’iil

Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in Mohsen Rezaei, oo ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles