Wednesday, June 24, 2026

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, Maxamed Cabduqaadir Cali, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Ambassador Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi , Xilli ay Soomaaliya ka qayb geli doonta dhawaan ciyaaraha jaamacadda Carabta ee ka dhici doona Doha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ka qeybgalka Soomaaliya ee ciyaaraha jaamacadda Carabta oo dhawaan lagu qaban doono magaalada Doha ee dalka Qatar.

Wasiirka ayaa dhanka kale la wadaagay safiirka muhiimadda ay Soomaaliya siineyso horumarinta kaabayaasha isboortiga iyo taageerada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa tilmaamay ahmiyada ay cilaaqaadka ka dhaxeeya labada waddan ee Soamaaliya iyo Qatar u leedahay horumarinta dhallinyarada iyo Isboortiga iyo sida ay Qatar kaga go’an tahay garab siinta Kaabayaasha Ciyaarah iyo Horumarinta Dhallinyaradaba.

Wasiir Maxamed ayaa u mahadceliyay dowladda Qatar kaalinta ay ka qaadato taageerada dhanka horumarka dhallinyarada iyo isboortiga, isagoo xusay in iskaashiga labada dal uu horseedi karo fursado cusub oo horumarineed.

WARARKII KALE

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

Ahlu Sunna Waljamaaca oo laga saaray Liiska Kooxaha lagu eedeeyo Askaraynta Carruurta

Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah ururkii Ahlu Sunna...

Kim Jong Un, ayaa sheegay in dalkiisu uu ciidanka badda ku qalabaynayo hubka niyukliyarka

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa sheegay in...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles