Friday, June 26, 2026

Al-shabaab oo weerar ka geystay Gobolka Waqooyi Bari Kenya

Ugu yaraan toddobo askari boolis ah ayaa si xun ugu dhaawacmay qarax lala eegtay gaari ay la socdeen, kaasoo ka dhacay wadada u dhaxeysa Aresa iyo Khalalia ee degmada Mandera East, xilli ay marayeen deegaanka Gadudia-Laga, saqdii dhexe ee 1-dii habeenimo ee July 8.

Gaariga ayaa ka ambabaxay deegaanka Bambo, isagoo kusii jeeday magaalada Mandera, waxaana uu ku qarxay miino nooca dhulka lagu aaso (IED).

Qaraxa ayaa sababay dhaawac culus oo gaaray askarta, iyadoo gaarigii ay la socdeen uu si daran u burburay.

Askarta dhaawacantay ayaa loo qaaday isbitaal deegaanka ah si gurmad caafimaad loo siiyo.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in howlgal ballaaran oo ay fuliyeen ciidamada sida wadajirka ah loogu diray halka qaraxu ka dhacay, si loo baacsado maleeshiyaadka falkan ka dambeeyay.

Afhayeenka Booliiska Qaranka ee Kenya, Michael Muchiri, ayaa sheegay in dadaallada lagula tacaalayo khatarta Al-Shabaab ay socdaan, inkasta oo weerarrada mararka qaar sii socdaan.

Dhanka kale, maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa waxaa ay weerar ka geysteen deegaanka Qarsa ee magaalada Wajeer , halkaas oo Taliyaha deegaanka (Senior Chief) Adow Ali iyo adeerkiis Noor Gathuf lagu dilay, sida uu qoray wareyska The Star.

Maleeshiyaadka ayaa waxaa ay weerareen ku qaadeen guriga Taliyaha,  Goobjoogayaal ayaa sheegay in dableydu ay ugu yeereen in uu bannaanka usoo baxo, markii uu diidayna ay bam ku tuureen guriga, dabadeedna ay kasoo jiideen dibadda oo ay saddex xabo ku dhufteen. Kadibna waxay u gudbeen guriga adeerkiis oo ay halkaasna ku dileen.

Xaaladda Mandera iyo Wajir ayaa sare u kacday, iyadoo dadka deegaanka ay muujinayaan walaac ballaaran oo ku saabsan amniga guud ee gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kheyre”Xasan Sheekh ayaa amray xarigga iyo Xukunka Sacdiyo Bajaaj”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

Maxkamadda G/Banaadir oo 3 Sano oo Xabsi ah ku xukuntay Sacdiyo Bajaaj

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun saddex sano oo...

Xasan Sheekh oo lagu Cadaadinayo inuu soo Bandhigo heshiiskii doorashooyinka Federaalka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu...

Pakistan oo Wafdi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya si loo sii daayo Muwaadiniin la Haysto

Dowladda Pakistan ayaa wafdi diblomaasiyadeed ka soo dirtay dalka...

RW Xamse iyo Qoorqoor oo la Filayo inay shaaciyaan heshiis ku saabsan Doorashada Galmudug

R/Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles