Thursday, July 31, 2025

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay xerada Kulliyada Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Qaraxaan ismiidaaminta ah oo daqiiqado  ka dhacay xerada ciidamada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho ayaa lasoo warinaya inuu geystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu fuliyay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasoo isku dhax qarxiyay ciidamo isku dhaf ah oo lagu xareenayay xerada ciidamada Kuliyada Jaalle Siyaad oo ku taala degmada Hodan magaalada Muqdisho, iyagoona halkaasi tababar ugu socday, sida ay sheegayaan ilo wareedyo kala duwan.

Warar kale ayaa sheegaya in qofka is qarxiyay uusan gaarin goobta ay ku sugnaayeen ciidamada.

Qaraxa kadib ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay iyo nawaaxigeeda, islamarkaana  halkaasi ka wado baaritaano.

Majiro wali wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay qaraxaan Ismiidaaminta ah.

Dhanka kale Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxa ka dhacay gudaha xerada Kuliyada Jaalle ee Muqdisho, , waxaa ayna sheegeen in ay weerarka la beegsadeen saraakiil ciidan oo cadaan ah, kuwaasi oo ay sheegeen in ay tababar siinayeen ciidamada dowladda Soomaaliya

2023 ayaa sidan oo kale  waxaa kuliyada ugu dhacay qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday xerada.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles