Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan  Muuse Salaad Wehliye ayaa madax ka socotay dowlad deegaanka Soomaalida kala wareegay Saanad ciidan oo loogu tala galay ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ee Howlgalka ka dhanka ah Al-Al-shabaab ka wada gobolka Hiiraan.

Munaasabadda wareejinta deeqdan oo ka dhacday degmada Feerfeer ee xadka Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa waxaa wareejiyay Hoggaan-ku-xigeenka Xafiiska Nabadgelyada DDS, Mudane Idiris Jibriil, Taliyaha Guud ee Booliska DDS Sarreeye Guud Cabdi Cali Siyaad, Taliyaha Sirdoonka Ciidanka Milateriga Bariga Itoobiya Kornayl Xasan, oo uu weheliyo kornayl C/risaaq Mukhtaar oo kamid ah saraakiisha sare ee hay’addaas, iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad Weheliye, oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Saraakiisha dowlad Hirshabeelle, Odayaal dhaqameed iyo masuuliyiin kale, ayaa uga mahadceliyay DDS taageeradaas, kuna tilmaamay tallaabo dhiirrigelin leh iyo tusaale mudan in lagu daydo, madaama dagaal culus oo halgan ah ay kula jiraan argagixisada Alshabaab.

Taageeradan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu wajahayo maleeshiyaadka Alshabaab iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amniga ee labada dhinac

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Muuse Salaad wehliye ayaa xusay in Maanta halganka aay ku jiraan reer hiiraan cidkasto garab u noqoto aay xasuus naan doonaan.

Madaxda ka socotay dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ballan qaaday in aay sii wadi doonaan garab istaaga dadka ree Hiiraan howlgalka kula jira Al-shabaab.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles