Sunday, April 26, 2026

Madaxweynaha Hirshabelle oo Xariga Xarumaha Caafimadka iyo Wadooyinka (SCRP)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si rasmi ah galabta xariga uga jaray mashruuca SCRP oo dhismooyin kala duwan kusoo kordhiyey Hirshabeelle.

Wasaaraddaha Qorsheynta, Caafimaadka iyo Howlaha Guud oo kaashanayo Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka ayaa wadajir u hirgeliyey mashruuca kasoo kabsashada xasaraddaha Soomaaliya (SCRP) kaas oo ka kooban xarumo caafimaad, waddooyin, caro-tuur webiga iyo kanaallo laga hirgeliyey Dowladda Hirshabeelle.

Munaasabadda daah-furka ayaa ka dhacday xarun caafimaad oo si casri ah loo dhisay taas oo laga horgeliyey xaafadda Kulmis ee magaaada Jowhar.

“Xarumaha caafimaad iyo waddooyinka lagu dhisay mashruuca (SCRP) waxay waxtar u leeyihiin bulshada gaar ahaan Hooyadda iyo Dhallaanka oo u baahan daryeel gaar ah.” Furitaanka munaasabadda waxaa haddalkan ka yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyey Bangiga Adduunka taageerada Soomaaliya.

WARARKII KALE

DFS oo Puntland ku eedeysay inay rasaas u adeegsatay shacabka Badhan

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed...

Aadan Madoobe oo la isku raacay inuu xisbiga JSP u tartamo xilka madaxtinimada KGS

Kulan xasaasi ah oo xalay ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya...

Maraykanka oo xiray nin Soomaali ah oo lala xiriirinayo burcad-badeednimo

Dowladda Maraykanka ayaa xirtay nin Soomaali ah oo lagu...

Farmaajo oo Duubabka dhaqanka ugu baaqay iney hoggaamiyaan xalinta ismari-waaga”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

17-Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyootay Badda u dhaxeyso Aljeria iyo Spain

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles