Wafdi wasiiro ah iyo guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare oo gaaray Laascaanood

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya Cali Xoosh iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Aqalka Sare Senator Cabdullaahi Cali Xirse Timacadde ayaa maanta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Sidoo kale wafdiga ayaa waxaa ka mid ah wasiir Cabdullaahi Bidhan iyo masuuliyiin kale, kuwaasi oo halkaasi u tagay in ay ka qeyb galaan shirka dhismaha maamulka SSC Khaatuma oo maanta ka furmaya Magaalada LAascaanood ee gobolka Sool.

Ammaanka magaalada Laascaanood ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoona la arkayo ciidamo badan oo lagu soo daadiyay wadooyinka magaaladaasi, kuwaasi oo si weyn u sugaya amniga goobta uu ka dhacaya shirweynaha lagu dhameystirayo maamulka SSC Khaatuma.

Shirka ayaa ku soo aadaya xilli uu khilaaf xooggan ka taagan yahay hanaanka iyo qaabka loo marayo maamul u sameynta SSC Khaatuma.

WARARKII KALE

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

 Deni oo maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland iyo go’aanno siyaasadeed oo laga sugayo

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la filayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles