Thursday, June 25, 2026

Cali Jeyte”Moqokori Awood naloogama Qabsan”

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, ayaa markale hoggaaminaya abaabul dagaal oo ka socda degmada Maxaas, iyadoo ujeeddadu tahay in maleeshiyada Al-Shabaab laga saaro degmada Moqokori iyo deegaanada hoos yimaada.

Cali Jeyte oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ogolaatay in ciidamada deegaanka ee Macawiisley Gobolka Hiiraan ay heli doonaan xuquuqdooda bishan July.

Wuxuu sheegay in dowladda sidoo kale ballanqaaday inay garab taagan tahay Ciidamada deegaanka iyo qoysaskooda.

“Wax walba oo ku baxaya dowladda ayaa bixinaysa, waxaa la idinka rabaa in khawaarijta laga xoreeyo deegaannada, iskana qabataan dadka argagixisada tiftifka u ah,” ayuu yiri Jeyte.

Digniin adag ayuu u diray Al-Shabaab iyo kuwa taageersan”Moqokori awood naloogama qabsan, mana aanan kasoo cararin. Haddii deegaanka nalaka qabsado, magacii beesha Xawaadle waa baaba’ayaa!”

Abaabulka cusub ee ka socda Maxaas ayaa kusoo aadaya, iyadoo dagaallo culus ay ka dhaceen degmada Moqokori, kaasi oo u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada Xoogga oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano macawiisleyda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kheyre”Xasan Sheekh ayaa amray xarigga iyo Xukunka Sacdiyo Bajaaj”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

Maxkamadda G/Banaadir oo 3 Sano oo Xabsi ah ku xukuntay Sacdiyo Bajaaj

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun saddex sano oo...

Xasan Sheekh oo lagu Cadaadinayo inuu soo Bandhigo heshiiskii doorashooyinka Federaalka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu...

Pakistan oo Wafdi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya si loo sii daayo Muwaadiniin la Haysto

Dowladda Pakistan ayaa wafdi diblomaasiyadeed ka soo dirtay dalka...

RW Xamse iyo Qoorqoor oo la Filayo inay shaaciyaan heshiis ku saabsan Doorashada Galmudug

R/Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles