Golaha wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay xubnaha guddiga tacliinta sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka, oo lagu soo xulay si hufnaan iyo caddaalad ah.

Guddiga ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, ayaa ka kooban 15-xubnood oo ah aqoonyahanno leh karti, khibrad iyo waayo aragnimo la xiriirta arrimaha waxbarashada iyo maamulka, kuwaas oo ka shaqeyn doona horumarinta hey’adaha tacliinta sare ee dalka, waxaana ay kala yihiin:

1.⁠ ⁠Dr. Cabdinuur Maxamud Guddoomiyaha Guddiga

2.⁠ ⁠Dr. Maxamed Cali Faarax Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga

3.⁠ ⁠Dr. Ayaan Sh. Cabdullaahi Maxamed Xubin

4.⁠ ⁠Dr. Axmed Adam Maxamed Xubin

  1. Roble Ibrahim Liban Xubin

6.⁠ ⁠Dr. Cabdulqaadir Cabdulle Cibaar Xubin

7.⁠ ⁠Dr. Cabdishakuur Sh. Xasan (Fiqi) X u b i n

  1. Cabdullaahi Maxamuud Shariif Xubin

9.⁠ ⁠Dr. Cabdiwahab Ali Mumin Xubin

  1. Cismaan Maxamed Cabdiraxman Xubin

11.⁠ ⁠Dr. Faysal Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xubin

12.⁠ ⁠Dr. Maxamed Macallin Abdullahi Kutub Xubin

13.⁠ ⁠Dr. Maxamad Ibraahim Nuur Xubin

14.⁠ ⁠Dr. Maxaamuud Yusuf Garre Xubin

15.⁠ ⁠Dr. Nadiifa Sheekh Cumar Xubin

Dhinaca kale Shirka Golaha ayaa looga hadlay dib-u-eegista qaab dhismeedka hey’adaha dowladda iyo sida loo waafajinayo shuruudaha xeerka kala xadeynta.

Kulanka waxaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga iyo howgallada dib-u-xoreynta ee ka socda qeybo kamid ah dalka, iyada oo lagu bogaadiyey ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka halganka naf-hurnimada leh.

Sidoo kale Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa lagu bogaadiyey horumarinta iyo tayeynta ay ku sameysay adeegga Xajka, taas oo keentay in Soomaaliya ay kaalmaha hore ka gasho dalalka sida ugu wanaagsan ugu adeegay Xujeydooda.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles