Cali Jeyte”Moqokori Awood naloogama Qabsan”

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, ayaa markale hoggaaminaya abaabul dagaal oo ka socda degmada Maxaas, iyadoo ujeeddadu tahay in maleeshiyada Al-Shabaab laga saaro degmada Moqokori iyo deegaanada hoos yimaada.

Cali Jeyte oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ogolaatay in ciidamada deegaanka ee Macawiisley Gobolka Hiiraan ay heli doonaan xuquuqdooda bishan July.

Wuxuu sheegay in dowladda sidoo kale ballanqaaday inay garab taagan tahay Ciidamada deegaanka iyo qoysaskooda.

“Wax walba oo ku baxaya dowladda ayaa bixinaysa, waxaa la idinka rabaa in khawaarijta laga xoreeyo deegaannada, iskana qabataan dadka argagixisada tiftifka u ah,” ayuu yiri Jeyte.

Digniin adag ayuu u diray Al-Shabaab iyo kuwa taageersan”Moqokori awood naloogama qabsan, mana aanan kasoo cararin. Haddii deegaanka nalaka qabsado, magacii beesha Xawaadle waa baaba’ayaa!”

Abaabulka cusub ee ka socda Maxaas ayaa kusoo aadaya, iyadoo dagaallo culus ay ka dhaceen degmada Moqokori, kaasi oo u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada Xoogga oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano macawiisleyda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles