Saturday, April 25, 2026

Maxay ka wadahadleen Soomaaliya iyo Nigeria?

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Dalka Nigeria Amb. Yuusuf Maitama Tuggar.

Kulankaas labada dhinac ayaa yimid xilli uu soo gabagaboobay Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika ,kaas oo ka dhacay Magaalada Malabo ee caasimadda Dalka Equatorial Guine.

Labada wasiir waxa ay ka wadahadleen xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Nigeria iyo in la sii wado iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, diblomaasiyadda iyo horumarinta danaha wadaagga ah ee labada dal.

Mudane. Abdisalam Abdi Ali iyo Amb. Yuusuf Maitama Tuggar waxay isla soo qaadeen in la fududeeyo booqashooyinka madaxda ee ku aadan Muqdisho iyo Abuja, taasoo qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Wasiirradu waxay isku afgarteen in si dhow looga wada shaqeeyo nabadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan xoojinta dadaallada loogu jiro ka hortagga argagixisada iyo hababka xog-wadaagga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

17-Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyootay Badda u dhaxeyso Aljeria iyo Spain

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Dhiggiisa Boqortooyada Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay xafladda caleema saarka Ugaas Cabdirisaaq Faracadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Janan oo fariin adag u diray dowladaha dariska ah

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland...

Xiisad ka taagan xabbad joojinta Israa’iil iyo Lubnaan

Maalmihii ugu dembeeyey tan iyo markii uu Donald Trump...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles