Maxay ka wadahadleen Soomaaliya iyo Nigeria?

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Dalka Nigeria Amb. Yuusuf Maitama Tuggar.

Kulankaas labada dhinac ayaa yimid xilli uu soo gabagaboobay Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika ,kaas oo ka dhacay Magaalada Malabo ee caasimadda Dalka Equatorial Guine.

Labada wasiir waxa ay ka wadahadleen xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Nigeria iyo in la sii wado iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, diblomaasiyadda iyo horumarinta danaha wadaagga ah ee labada dal.

Mudane. Abdisalam Abdi Ali iyo Amb. Yuusuf Maitama Tuggar waxay isla soo qaadeen in la fududeeyo booqashooyinka madaxda ee ku aadan Muqdisho iyo Abuja, taasoo qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Wasiirradu waxay isku afgarteen in si dhow looga wada shaqeeyo nabadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan xoojinta dadaallada loogu jiro ka hortagga argagixisada iyo hababka xog-wadaagga ah.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles