UNHCR oo digniin u dirtay Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay baarlamaanka Giriigga, kaas oo joojinaya codsiyada magangalyo doonka.

“Sharciyada cusub ee wax ka beddelka ayaa joojinaya soo gudbinta codsiyada magangalyo doonka ee mudada saddexda bilood ,gaar ahaan kuwa ka imanaya Waqooyiga Afrika iyo dalalka kale,isla markaana dib loo celiyo iyada oo aan la diiwaangalin”sida lagu sheegay hadal ka soo baxay hey’adda UNHCR.

Hay’addu waxay ka digtay in dadka lag celiyo ama la geeyo meel ay kala kulmi karaan halis ku timaada noloshooda,iyadoo dhanka kale dowladaha la xasuusiyay in aysan ka weecan Karin mabda’a muhiimka ah ee sharciga caalamiga ah.

UNHCR waxay qiratay cadaadiska ay abuureen dadkii qaxootiga ee dhawaan tagay deegaanada Gavdos iyo Crete, waxaana intaa la raaciyay in la xakameeyo xudduudaha dalkaasi,sida waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo kuwa Yurub.

Hey’adda Qaxootiga Dunida waxay ku baaqday in lala yimaado isku-duubni iyo tallooyin wadaag ah oo khuseeya gudaha Midowga Yurub si loo taageero waddamada safka hore sida Giriigga ee ay ka jiraan qulqulka dadka magangalyo doonka ah

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles