Wednesday, June 24, 2026

NISA oo sheegtay in Horjoogayaal AS lagu dilay howlgal ka dhacay G/Sh/Dhexe

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska  Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaano ka tisan Gobolka Shabeellada Dhexe lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al-shabaab.

NISA ayaa sheegtay in howlgalka lagu dilay 13 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale waxaa la burburiyay Saldhigyo iyo keydka hubka maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanada ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe.

Taliska NISA ma soo bandhigin sawirada iyo magacyada maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha Al-shabaab ee lagu dilay duqeynta.

Qoraalka Taliska NISA ka soo baxay ayaa u qornaa sidan;-

Muqdisho, Luuliyo 11, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen deegaannnada Qoordheere, Xawaala-kulan, Reydableey iyo magaalada Ceelbaraf oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa lagu dilay ilaa 13 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka mid ahaa Khawaarijta.

Howlgalka ka dhacay deegaanka Qoordheere oo hoostaga degmada Raagaceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa lagu beegsaday koox Khawaarij ah oo afartii maalin ee u dambeysay isku abaabulayey halkaas, iyada oo howlgalka lagu dilay ilaa afar xubnood oo Khawaarij ah, waxaana la burburiyay Teendhooyin iyo keyd hub ah oo ay ka sameysteen geedaha hoostooda.

Dhanka kale, inta u dhaxeysa deegaannada Xawaala-kulan iyo Reydableey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa laga hortagay maleeshiyaad ka tirsan argagixisada oo halkaas ka waday qorshe ay doonayeen in ay amniga ku carqaladeeyaan, waxaana isla goobta lagu dilay shan xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogeyaal.

Howlgalka seddexaad oo ka dhacay buurta Ceelbaraf oo dhinaca galbeed labo kiilomitir kaga beegan magaalada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa lagu bartilmaameedsaday koox kale oo Khawaarij ah oo maleegayay dhagaro argagixiso, ilaa afar maleeshiyaad ah ayaana halkaas lagu soo afjaray.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles