Raila Odinga oo ka horyimid amar uu dhawaan bixiyay madaxweyne Ruto

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga ayaa si adag u cambaareeyay amar uu dhawaan Madaxweyne William Ruto siiyey ciidamada booliiska oo ahaa in ay si toos ah u toogtaan dadka marka dibadbaxyadu dhacayaan rabshadaha gaysta gaarahaanna kuwa hantida dadka iyo dowladda waxyeellada u gaysta.

Bayaan uu soo saaray, Raila manata ayuu ku sheegay in amar kasta oo ciidanka booliiska lagu farayo in ay toogtaan, dhaawacaan, cabsi geliyaan ama handadaan muwaadiniinta uu yahay mid khaldan.

Raila oo saami ku leh dowladda ballaaran ee uu hogaamiyo Ruto, ayaa taa beddelkeeda ugu baaqay in la ixtiraamo sharciga iyo in aan la adeegsan xadgudub awooddeysan.

“Dibadbax kasta ama xaalad kasta oo u baahan in la sugo amniga, amar kasta oo oggolaanaya in shacabka la toogto, la dhaawaco, ama la cabsi geliyo waa mid qaldan,” ayuu yiri Raila.

“Dalkaan, waa in mar walba aan doorannaa sharciga iyo habraaca saxda ah, kana hortagnaa rabitaanka lagu siinayo booliiska awood ay dad rayid ah ku toogtaan, xitaa marka ay muwaadiniintu u muuqdaan kuwo jebiyay sharciga,” ayuu raaciyay.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles