Saturday, April 25, 2026

Raila Odinga oo ka horyimid amar uu dhawaan bixiyay madaxweyne Ruto

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga ayaa si adag u cambaareeyay amar uu dhawaan Madaxweyne William Ruto siiyey ciidamada booliiska oo ahaa in ay si toos ah u toogtaan dadka marka dibadbaxyadu dhacayaan rabshadaha gaysta gaarahaanna kuwa hantida dadka iyo dowladda waxyeellada u gaysta.

Bayaan uu soo saaray, Raila manata ayuu ku sheegay in amar kasta oo ciidanka booliiska lagu farayo in ay toogtaan, dhaawacaan, cabsi geliyaan ama handadaan muwaadiniinta uu yahay mid khaldan.

Raila oo saami ku leh dowladda ballaaran ee uu hogaamiyo Ruto, ayaa taa beddelkeeda ugu baaqay in la ixtiraamo sharciga iyo in aan la adeegsan xadgudub awooddeysan.

“Dibadbax kasta ama xaalad kasta oo u baahan in la sugo amniga, amar kasta oo oggolaanaya in shacabka la toogto, la dhaawaco, ama la cabsi geliyo waa mid qaldan,” ayuu yiri Raila.

“Dalkaan, waa in mar walba aan doorannaa sharciga iyo habraaca saxda ah, kana hortagnaa rabitaanka lagu siinayo booliiska awood ay dad rayid ah ku toogtaan, xitaa marka ay muwaadiniintu u muuqdaan kuwo jebiyay sharciga,” ayuu raaciyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiiradda arrimaha dibadda ee Iran iyo Pakistan oo wadahadal yeeshay

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa saraakiil sare oo...

Taliyaha ciidamada xoogga oo gaaray degmada Xudur

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa...

Burcad badeed Soomaali ah oo afduubtay Markab shidaal oo laga leeyahay Pakistan

Burcadbadeed Soomaali ah ayaa la sheegay inay afduubteen markab...

Trump oo sheegay in Hubka Nukliyeerka uusan u adeegsan doonin Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uusan hubka...

Xog dheeraad oo laga helay dhalinyaro Soomaali ah oo ku geeriyooday Algeria

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa ku dhowaad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles