Monday, August 17, 2026

Shirweynaha lagu dhameystirayo maamul u sameynta SSC Khaatumo oo maanta ka furmaya Laascaanood

Shirweynaha dhamaystirka ee dhismaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa maanta ka furmaya magaalada Laascaanood, kadib markii xal laga gaaray khilaafkii maalmahan taagnaa.

Shirkan maanta ka dhacaya gudaha magaalada Laascaanood, ayaa diiradda lagu saaraya hirgelinta hannaanka maamulka, dejinta habraacyo sharciyeed, iyo diyaarinta dariiq loo maro dhismaha dastuurka maamulka cusub.

Sidoo kale shirkan ayaa wajahaya muran iyo diidmo siyaasadeed, waxaana arrintan walaac ka muujiyay musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada ee maamulkaasi , iyagoo markaasi ka horyimid qabsoomidda shirweynaha.

Sidoo kale, musharraxiin kale ayaa dhaliilay habka loo maamulay diyaargarowga shirka, iyagoo sheegay in uu yahay mid aan loo dhammayn, inkastoo cabashadooda la xaliyay.

Shirweynahaan ayaa ka mid ah jadwal ay horay u dejisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, kaasoo lagu wado in geeddi-socodka dhismaha maamulka SSC-Khaatumo lagu soo gabagabeeyo inta lagu jiro bisha Luulyo 2025.

Ammaanka magaalada Laascaanood ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, iyadoona goobta uu ka furmayo shirka la dhigay ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo sugaya ammaanka goobta shirka.

Sidoo kale wadooyinka ayaa lagu arkayaa ciidamo kale oo dheeri ah.

Isimmada dhaqanka ee SSC-Khaatumo ayaa iyaguna isku khilaafay shirweynaha lagu dhameystirayo maamulka. Isimmada ayaa u kala jabay laba garab: kuwa taageersan hoggaanka maamulka SSC iyo kuwo taabacsan siyaasiyiinta iyo musharrixiinta mucaaradka.

Waxaa maanta isha lagu hayaa natiijada ka soo bixi doonto shirka maanta, iyadoona si weyn loo sugayo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles