Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya oo taageero uu siiyay Ruushka

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, Kim Jong Un, ayaa siiyay Moscow “taageero aan shuruud lahayn” dagaalka Ukraine, sida lagu soo xigtay warbaahinta dowladda Pyongyang.

Intii lagu jiray wadahadallo uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, oo booqasho ku joogay Waqooyiga Kuuriya, Kim ayaa sheegay in Pyongyang ay garab taagan tahay “dhamaan tallaabooyinka ay qaadeen hoggaanka Ruushka” si ay u xalliyaan “asal ahaan sababta keentay qalalaasaha Ukraine.”

Mas’uuliyiin reer Galbeed ah ayaa rumeysan in Pyongyang ay u dirtay ilaa 11,000 oo askari Ruushka sanadkii la soo dhaafay si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Ukraine.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa weerar buuxa ku qaaday Ukraine bishii Febraayo sanadkii 2022-kii.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee KCNA, Kim iyo Lavrov waxay ku kulmeen Sabtidii “jawi ay ka buuxdo kalsooni saaxiibtinimo oo diiran”.

 

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles