Monday, August 17, 2026

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya oo taageero uu siiyay Ruushka

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, Kim Jong Un, ayaa siiyay Moscow “taageero aan shuruud lahayn” dagaalka Ukraine, sida lagu soo xigtay warbaahinta dowladda Pyongyang.

Intii lagu jiray wadahadallo uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, oo booqasho ku joogay Waqooyiga Kuuriya, Kim ayaa sheegay in Pyongyang ay garab taagan tahay “dhamaan tallaabooyinka ay qaadeen hoggaanka Ruushka” si ay u xalliyaan “asal ahaan sababta keentay qalalaasaha Ukraine.”

Mas’uuliyiin reer Galbeed ah ayaa rumeysan in Pyongyang ay u dirtay ilaa 11,000 oo askari Ruushka sanadkii la soo dhaafay si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Ukraine.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa weerar buuxa ku qaaday Ukraine bishii Febraayo sanadkii 2022-kii.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee KCNA, Kim iyo Lavrov waxay ku kulmeen Sabtidii “jawi ay ka buuxdo kalsooni saaxiibtinimo oo diiran”.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles