Monday, August 17, 2026

NISA oo sheegtay in Hiiraan lagu dilay xubno ka tirsan AS iyo gaadiid laga burburiyay

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in  howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen tuulada Buulo-xoog oo u dhow deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan, lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu khaarijiyay ilaa toddobo xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab iyadoo howlgalka lagu burburiyay labo gaari oo nooca xamuulka ah oo waday hub iyo maleeshiyaad.

“Sirdoonka Qaranka oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday ayaa Howlgalka fuliyay kaddib markii la hubiyay xogta Khawaarijta, waxaana beegsigu bilowday xilli gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday ay ka soo laabteen deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan kuna sii jeedeen deegaanka BuHowlgalka”ayaa lagu yiri warka qoraalka.

Sidoo kale Taliska NISA ayaa qoraalkooda intaasi ku daray “Howlgalka oo si guul ah kusoo dhammaaday ayaa la xaqiijiyay in goobta lagu soo afjaray gaadiid, hub iyo maleeshiyaad, waxaana jira muuqaalo caddeymo ah oo ay qabatay Kaamirada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka kuwaas oo bulshada Soomaaliyeed la wadaagi doonno si ay uga dhargaan jabka xooggan ee gaaray Khawaarijta.”.

Taliska NISA ma soo bandhigin sawirrada iyo magacyada xubnaha laga dilay maleeshiyaadka Al-shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles