Friday, April 24, 2026

Taliyaha Ciidanka Kenya oo tagay deegaanada Jubbaland

Taliyaha cusub ee Ciidanka Difaaca Kenya, General David Keter, ayaa booqasho ku tagay magaalada Kismaayo, ee gobolka Jubbada Hoose, isaga oo sidoo kale gaaray magaalooyinka Dhobley iyo Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka cusub ee Midowga Afrika, AUSSOM.

Intii uu ku sugnaa goobahaas, Taliye Keter wuxuu la kulmay ciidamada Kenya ee halkaasi ku sugan, isagoo warbixino rasmi ah ka dhageystay taliyeyaasha saldhigyada iyo saraakiisha howlgalka AUSSOM.

Wuxuu si cad u muujiyay in Kenya aysan ka hari doonin dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isagoo ballan qaaday in la xoojin doono howlgalka guud ahaan Jubbaland.

Wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqay sida dowladda Kenya uga go’an tahay inay garab istaagto dadaallada lagu sugayo amniga Soomaaliya, gaar ahaan xilligan adag ee uu dalka wajahayo kala guurka amni ee ATMIS uu ku wareejinayo mas’uuliyadda ciidamada Soomaaliyeed.

Booqashada Taliyaha KDF ayaa kusoo aadeysa xilli ay xiisad xooggan ka taagan tahay qeybo ka mid ah Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijiyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo cusub u dirayso degmada Beledxaawo — ciidamadaas oo laga qaaday magaalada Muqdisho, si ay u xoojiyaan kuwa dowladda ee horay u joogay halkaasi.

Sida la og yahay, degmada Beledxaawo waxaa weli ka taagan khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo u dhaxeeya Villa Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, iyadoo muranka ugu weyn uu salka ku hayo damaca Villa Soomaaliya ee ku aadan kuraasta Baarlamaanka ee kasoo gala gobolka Gedo iyo guddiga doorashada la geeyo Gobolka Gedo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Dowladda Federaalka ah uma xirna Garoonka Dooloow”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre,...

Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay 174 Dhalinyaro Tahriibayaal ah

Wasiir Ku-xigeenka Wasaraadda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Doorashada KGS oo qarka u saaran inuu dib u dhac ku yimaado

Doorashadii maamulka Koofur Galbeed (KGS) ee qorshuhu ahaa in...

Soomaaliya oo si adag u cambaareysay weerarrada Iiraan, kuna baaqday mowqif mideysan oo Carbeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay...

Puntland oo shaacisay dagaal ka dhan ah Kalluumeysiga Sharci darrada ah

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland ayaa ku dhawaaqday...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles