MW Xasan Sheekh “Dowladda Soomaaliya waxay muujinaysaa garab istaag buuxa, tacsina la wadaagta dowladda Nigeria

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Madaxweynihii hore ee Nageria, Muhammadu Buhari.

Qoraal kooban oo uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu yiri:

“Waxaan u dirayaa tacsi tiiraanyo leh Madaxweynaha Nigeria H.E. Bola Ahmed Tinubu, dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Nigeria, geeridii ku timid Madaxweynihii hore Muhammadu Buhari. Wuxuu ahaa hoggaamiye ku suntanaa adeeg daacadnimo iyo u heelnaanta dalka iyo dadkiisa. Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistiisa Jannatul Firdaws ku abaalmariyo, ehelkiisana samir iyo iimaan ka siiyo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa garab istaag buuxa, tacsina la wadaagta shacabka iyo dowladda Nigeria, xilligan murugada iyo tiiraanyada leh”

Madaxweynihii hore ee Nigeria, Muhammadu Buhari, ayaa maalmahan xanuunsanaa, wuxuuna ku geeriyooday dalka Ingiriiska isagoo 82 sano jir ah.

Allah unaxariiste Madaxweynihii hore Nigeria waxa uu dalkaa oo ah dalka ugu dadka badan Afrika, xukumayay muddo 8 sano ah, isagoo door muuqda ka qaatay horumarinta, la dagaallanka musuqmaasuqa

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles