Monday, August 17, 2026

MW Xasan Sheekh “Dowladda Soomaaliya waxay muujinaysaa garab istaag buuxa, tacsina la wadaagta dowladda Nigeria

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Madaxweynihii hore ee Nageria, Muhammadu Buhari.

Qoraal kooban oo uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu yiri:

“Waxaan u dirayaa tacsi tiiraanyo leh Madaxweynaha Nigeria H.E. Bola Ahmed Tinubu, dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Nigeria, geeridii ku timid Madaxweynihii hore Muhammadu Buhari. Wuxuu ahaa hoggaamiye ku suntanaa adeeg daacadnimo iyo u heelnaanta dalka iyo dadkiisa. Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistiisa Jannatul Firdaws ku abaalmariyo, ehelkiisana samir iyo iimaan ka siiyo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa garab istaag buuxa, tacsina la wadaagta shacabka iyo dowladda Nigeria, xilligan murugada iyo tiiraanyada leh”

Madaxweynihii hore ee Nigeria, Muhammadu Buhari, ayaa maalmahan xanuunsanaa, wuxuuna ku geeriyooday dalka Ingiriiska isagoo 82 sano jir ah.

Allah unaxariiste Madaxweynihii hore Nigeria waxa uu dalkaa oo ah dalka ugu dadka badan Afrika, xukumayay muddo 8 sano ah, isagoo door muuqda ka qaatay horumarinta, la dagaallanka musuqmaasuqa

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles