Monday, August 17, 2026

Shirka ka socda Laascaanood oo galay maalintii labaad galay

Shirka dhammaystirka dhismaha maamul goboleedka SSC KHATUMO oo ka furmay magaalada Laascaanood ayaa galay maalintiisii labaad maanta, iyadoo ajandayaasha muhiimka ah ee shirka sida dhismaha maamulka iyo arrimaha saami qaybsiga laga wadahadli doono.

Guddiga qaban qaabada shirka ee heer federal ayaa qorsheynaya in maanta la guda galo arrimahaas, waxaana la filayaa inay dood adag ka yimaadaan dhinacyada kala duwan.

Ergooyin ka yimid gobolada Sanaag iyo Haylaan, oo ay hoggaaminayaan siyaasiyiin, ayaa codsaday in la bedelo magaca KHATUMO, calanka, iyo dastuurka maamulka cusub ee la dhisayo.

Sidoo kale, arrimaha saami qaybsiga ee maamulkaasi yeelan doono ayaa la filayaa inay noqdaan kuwo la isku haysto, maadaama dhinacyada qaarkood ay doonayaan in loo qaybiyo sida ay u arkaan.

Shirka ayaa sidoo kale wajahaya khilaaf ka dhashay martiqaad laga soo diray wafti ka socda Sanaag iyo Haylaan, waxaana Garaad Jaamac Garaad Cali iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay si weyn uga soo horjeesteen xubnaha laga soo diray labada gobol, iyagoo ku eedeeyay in xadgudub lagu sameeyey. Wufuud ka kala yimid deegaanada Sool, Sanaag, Haylaan, iyo Cayn, iyo sidoo kale kuwa ka yimid dibedda, ayaa hadda ku sugan Laascaanood, iyadoo tiradooda ay ka badan tahay 1200.

Shirkan ayaa noqonaya mid xasaasi ah, waxaana si gaar ah loo xiiseynayaa sidii ay u dhici doonto wada hadalka iyo go’aanada laga gaaro arrimaha muhiimka ah ee lagu dhisayo maamulka KHATUMO, iyadoo weli jiraan walaac ku saabsan khilaafaadka soo ifbaxay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles