Shirka ka socda Laascaanood oo galay maalintii labaad galay

Shirka dhammaystirka dhismaha maamul goboleedka SSC KHATUMO oo ka furmay magaalada Laascaanood ayaa galay maalintiisii labaad maanta, iyadoo ajandayaasha muhiimka ah ee shirka sida dhismaha maamulka iyo arrimaha saami qaybsiga laga wadahadli doono.

Guddiga qaban qaabada shirka ee heer federal ayaa qorsheynaya in maanta la guda galo arrimahaas, waxaana la filayaa inay dood adag ka yimaadaan dhinacyada kala duwan.

Ergooyin ka yimid gobolada Sanaag iyo Haylaan, oo ay hoggaaminayaan siyaasiyiin, ayaa codsaday in la bedelo magaca KHATUMO, calanka, iyo dastuurka maamulka cusub ee la dhisayo.

Sidoo kale, arrimaha saami qaybsiga ee maamulkaasi yeelan doono ayaa la filayaa inay noqdaan kuwo la isku haysto, maadaama dhinacyada qaarkood ay doonayaan in loo qaybiyo sida ay u arkaan.

Shirka ayaa sidoo kale wajahaya khilaaf ka dhashay martiqaad laga soo diray wafti ka socda Sanaag iyo Haylaan, waxaana Garaad Jaamac Garaad Cali iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay si weyn uga soo horjeesteen xubnaha laga soo diray labada gobol, iyagoo ku eedeeyay in xadgudub lagu sameeyey. Wufuud ka kala yimid deegaanada Sool, Sanaag, Haylaan, iyo Cayn, iyo sidoo kale kuwa ka yimid dibedda, ayaa hadda ku sugan Laascaanood, iyadoo tiradooda ay ka badan tahay 1200.

Shirkan ayaa noqonaya mid xasaasi ah, waxaana si gaar ah loo xiiseynayaa sidii ay u dhici doonto wada hadalka iyo go’aanada laga gaaro arrimaha muhiimka ah ee lagu dhisayo maamulka KHATUMO, iyadoo weli jiraan walaac ku saabsan khilaafaadka soo ifbaxay.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles