Wednesday, June 24, 2026

NISA oo sheegtay in la dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay xadka kala qeybiyaha Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe lagud dilay Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen Isgoyska Gayacad oo u dhow deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, waxaa lagu dilay ilaa 15 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta, halka shan kalana dhaawacyo halis ah lagu gaarsiiyey.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalka NISA ayaa waxaa intaasi lagu daray “Howlgalka oo dhacay seddax mar oo kala duwan oo isla xalay ah, ayaa waxaa lagu beegsaday koox Khawaarij ah oo laga soo abaabulay degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo doonayay in ay gurmad ahaan ugu gudbaan Khawaarij kale oo ku go’doonsan deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan.”

Taliska NISA ayaa sidoo kale warka ku sheegay ” Inkasta oo Kooxda Khawaarijtu isku dayday in ay ku dhuumaaleysato dhulka howdka ah, haddana seddaxda howlgal ee lagu bartilmaameedsaday ayaa kusoo dhammaaday si guul ah, waxaana halkaas lagu dilay 15 xubnood oo Khawaarij ah halka ilaa shan kalana la xaqiijiyay in dhaawacyo halis ah ay gaareen. Howlgalka ayaa wali socda iyada oo lagu lagu raad-joogo firxadka maleeshiyaadka baxsadka ka ah howlgallada dhacay.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles