Shirka ka hortaga iyo xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u furay shir-wadatashi heer qaran ah oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga Hepatitis-ka ee muddada 2025 illaa 2030.

Shirkan oo labo maalmood socon doona ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana diiradda lagu saarayaa sidii si wadajir ah loo dejin lahaa qorshe wax-ku-ool ah oo lagula tacaalo cudurka Cagaarshowga Hepatitis-ka oo si aamusnaan ah bulshada u saameeya.

Shirka waxaa kasoo qeyb galay khubaro caafimaad oo heer qaran ah, Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed, wakiilo ka socdey dowlad-goboleedyada dalka, madax qeybeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, wakiillo ka kala socday jaamacadaha dalka, isbitaallada, iyo sidoo kale, waxaa shirka si firfircoon uga qeyb galay hay’adaha caalamiga ah ee sida tooska ah ula shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka, oo ay ugu horreeyaan WHO, African CDC, iyo hay’ado kale oo muhiim ah.

Khudbaddii furitaanka Wasiirka ayaa xoogga lagu saaray muhiimadda ay leedahay in cudurkan la helo qorshe qaran oo mideysan oo lagu yareyn karo faafitaankiisa, waxa uuna xusay in cudurka Cagaarshowga yahay mid si qarsoodi ah ugu faafa bulshada, islamarkaana sababa dhibaato caafimaad iyo dhaqaale, wuxuu carabka ku adkeeyay in qorshahan uu noqonayo mid salka u dhigi doona dadaallada Wasaaradda ee la xiriira yareynta cudurrada faafa, isagoo tilmaamay in la doonayo in la helo hannaan dhammaan hay’adaha ay ka go’an tahay ay ku midoobaan.

Ujeeddada shirkan ayaa ah in si wadareed loo helo talooyin, aragtiyo iyo istaraatiijiyad mideysan oo lagu hagayo qorshaha cusub ee dalka uu qaadanayo si looga hortago cudurka Cagaarshowga, waxaa la isweydaarsanayaa inta uu socdo Shirka xogaha la xiriira xaaladda cudurka ee dalka, caqabadaha taagan, iyo sida ugu habboon ee bulshooyinka looga wacyigelin karo halista cudurka, sidoo kale waxaa la falanqeyn doonaa kaalinta ay yeelan doonaan dhammaan qeybaha aan dowliga aheyn.

Wakiilada ka socday WHO iyo African CDC oo shirka ka hadlay ayaa bogaadiyay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ku bixinayso sugidda caafimaadka dadweynaha, waxa ayna ballan qaadeen inay sii xoojin doonaan taageerada farsamo iyo midda cilmiyeed ee la xiriirta la-dagaallanka cudurrada dilaaga ah ee uu ka mid yahay Cagaarshowga, sidoo kale waxay soo bandhigeen xog caalami ah iyo waayo-aragnimooyin guuleystay oo dalal kale ka hirgalay, taasoo kaalin weyn ka qaadan karta diyaarinta qorshaha Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa rajeynaysa in natiijada ka soo baxda shirkan ay horseedi doonto qorshe qaran oo miro-dhal ah, kaas oo lagu xakameyn karo cudurka Cagaarshowga Hepatitis-ka marka la gaaro sanadka 2030. Wasaaraddu waxay ku boorrisay dhammaan dhinacyada kala duwan inay gacan ka geystaan fulinta qorshahaan, si loo xaqiijiyo himilada ah helidda bulsho caafimaad qabta oo u adkaysata cudurrada faafa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles