Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay askari jir dil u geystay Gabar Soomaaliyeed

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta Gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, oo la sheegay inuu qeyb ka yahay ilaalada Madaxtooyada, kaddib markii uu muuqaal laga duubay isaga oo si arxan darro ah u jirdilaya gabar Soomaaliyeed uu si weyn uga caraysiiyay bulshada.

Muuqaalka, oo lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay askariga oo si xun u garaacaya gabadha, taasoo keentay falcelin iyo caro ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed.

Booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa si deg deg ah u xabsiga u dhigay askariga falka geystay, oo lagu magacaabo Axmed Nuur Maxamuud, iyagoo sheegay in falkaasi uu yahay mid ka dhan ah sharciga, anshaxa ciidamada, iyo masuuliyadda ay u dhaarteen inay ilaaliyaan shacabka.

War rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in askarigaas hadda lagu hayo xabsi baaritaan lagu sameynayo, isla markaana si deg deg ah loo horgeyn doono caddaaladda.

Booliisku waxay sidoo kale digniin u direen dhammaan ciidamada amniga ee dalka, iyagoo uga digay in aysan ku xadgudbin xuquuqda shacabka Soomaaliyeed, kuna adkeeyay in qof walba laga rabo mas’uuliyad, akhlaaq iyo dhowrsanaan.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles