Tuesday, March 3, 2026

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay askari jir dil u geystay Gabar Soomaaliyeed

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta Gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, oo la sheegay inuu qeyb ka yahay ilaalada Madaxtooyada, kaddib markii uu muuqaal laga duubay isaga oo si arxan darro ah u jirdilaya gabar Soomaaliyeed uu si weyn uga caraysiiyay bulshada.

Muuqaalka, oo lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay askariga oo si xun u garaacaya gabadha, taasoo keentay falcelin iyo caro ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed.

Booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa si deg deg ah u xabsiga u dhigay askariga falka geystay, oo lagu magacaabo Axmed Nuur Maxamuud, iyagoo sheegay in falkaasi uu yahay mid ka dhan ah sharciga, anshaxa ciidamada, iyo masuuliyadda ay u dhaarteen inay ilaaliyaan shacabka.

War rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in askarigaas hadda lagu hayo xabsi baaritaan lagu sameynayo, isla markaana si deg deg ah loo horgeyn doono caddaaladda.

Booliisku waxay sidoo kale digniin u direen dhammaan ciidamada amniga ee dalka, iyagoo uga digay in aysan ku xadgudbin xuquuqda shacabka Soomaaliyeed, kuna adkeeyay in qof walba laga rabo mas’uuliyad, akhlaaq iyo dhowrsanaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles