Monday, September 1, 2025

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Gaarisa ee dalka Kenya

Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, kadib markii kooxda Al-Shabaab,ay qarax la beegsadeen ciidamada Kenya oo marayaย  waddada u dhaxaysa Ijara iyo Bodhai, Magaaladaย  Garissa ee waqooyi bari Kenya.

Labada qof ee dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Shabeel Bashiir iyo Cabdikadir Maxamuud Salaat. Waxay ku safrayeen gaari nooca Probox ah iyagoo kusii jeeday magaalada Bodhai, markaas oo uu qaraxu dhacay.

Guddoomiyaha degmada Bodhai, Dubat Maxamed, ayaa xaqiijiyay weerarka, isagoo sheegay in miinada dhulka lagu aasay ay u muuqato mid lagu beegsaday kolonyooyin ammaanka oo si joogto ah uga hawlgala wadadaas.

โ€œWaa dhacdo murugo leh. Waxaan rumeysanahay in weerarku uu ahaa mid lagu bartilmaameedsaday ciidanka ammaanka ee mararka badan ku socda waddadan,โ€ ayuu yiri Dubat.

Guddoomiye Dubat ayaa sheegay in amniga waddada la adkeeyay, islamarkaana hawlgal ballaaran oo ay iska kaashanayaan cutubyo ka tirsan GSU (General Service Unit) iyo SOG (Special Operations Group) uu socdo si loo raadiyo dambiilayaasha.

โ€œCiidamadeennu waxay baarayaan meelaha laga shakisan yahay. Waxaan ka codsaneynaa shacabka inay nala shaqeeyaan oo ay soo sheegaan wixii xog ah oo ay hayaan,โ€ ayuu raaciyay.

Xildhibaan Abdi Cali oo ka tirsan Baarlamaanka Ijara ayaa cambaareeyay weerarka, isagoo ku tilmaamay mid carqaladeynaya dadaallada lagu xasillinayo gobolka.

โ€œWaxaan aad uga murugooday kana naxay weerarkan arxan darrada ah. Waa xasuus naxdin leh oo muujinaysa halista wali haysata shacabka deegaanka,โ€ ayuu yiri.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles