Puntland oo DF ku eedeysay in hub ay geysay Mudug

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade, ayaa si cad u sheegay in aan la oggolaan doonin in gudaha gobolka lagu qabto shirar siyaasadeed oo ay dabada ka riixayso dowladda federaalka, kuwaas oo aan lagala tashan Maamulka Gobolka ama aan dan u ahayn guud ahaan xasilloonida Gobolka

“Gobolka waxa uu leeyahay nidaam maamul.iyo kala dambayn, waxaana naga go’an ilaalinta midnimada bulshada, deganaanshaha siyaasadeed iyo in aan laga faa’iideysan marxaladda aan ku jirno. Sidaas darteed, shir kasta oo siyaasad xambaarsan oo aan qayb ka ahayn qorshaha horumarinta, ma aqbalayno in lagu qabto gobolka,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Hub lagu daabulayo Puntland si loogu Carqaladeeyo, taasi ayuu sheegay mid aan la aqbali karin.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamo laga qorayo deegaanada ka tirsan Gobolka, kuwaasi oo loogu tala galay in ay khalalaase ka geysteen gudaha magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay ku tumatay dastuurka dalka, nidaamka federaalka iyo dhibaato ay ku hayso maamul goboleedyada.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles