Wednesday, June 24, 2026

MW Xasan Sheekh oo booqday xarunta Shirkadda Bayraktar

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday xarunta tekloojiyadda difaaca Turkey ee looyaqaan Özdemir Bayraktar National Technology Center.

Xasan Shiikh waxaa halkaas kula kulmay madaxda shirkada BAYKAR oo soo saarta diyaaradaha dagaalka Turkey.

Sawirro ay shirkadu baahiday waxaa lagu arkay madaxweynaha Soomaaliya oo gacanta ku haaya sawirka diyaarada Bayraktar KIZILELMA fighter jets oo shirkadaan soo saarto. Hadaba diyaaradaan waa mid nuucee ah?

Shirkadda Baykar ee Turkiga ayaa soo saartay Bayraktar KIZILELMA, diyaarad dagaal oo aan duuliye lahayn oo casri ah, laguna qalabeeyay tiknoolajiyadda qarsoodiga ah (stealth). Diyaaraddan ayaa leh xawaare sare, awood ay ku qaadi karto hub culus, isla markaana fulin karta weerarro toos ah iyo howlgal sirdoon.

KIZILELMA ayaa si weyn uga awood badan Bayraktar TB2 iyo Akinci, iyadoo ah diyaaraddii ugu hormarsaneed oo la tartami karta diyaaradaha dagaalka ee duuliye leh. Diyaaraddan ayaa la filayaa inay bedesho habka dagaal ee mustaqbalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles