Puntland oo baaris ku wada Markab hub siday oo ku xirtay dekeda Boosaaso

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Markabka Hubka sida ee lagu Qabtay Xeebaha Maamulka Puntland.

Puntland ayaa bilaawday baaritaano la xiriira markabka hubka siday ee lagu magacaabo Sea World, kaas oo kusoo xirtay dekadda magaalada Boosaaso kadib markii ay ciidanka badda ee Puntland ku qabteen xeebaha gobolka Raascaseyr.

Warar Soo baxaya ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu xabsiga dhigay Taliyihii Ciidanka PMPF ee degmada Caluula, Jaamac Axmed Muumin oo loo yaqaano (Kambaala Yare).

taliyahan la xiray ayaa ahaa ninkii kaxeeyay markabka iyo masuulka guud ee amniga markabka Sea World.

Markabkan oo la sheegay in ay cilad ku timid ayaa xambaarsan saanad ciidan oo isugu jirta Hubka Culus midka fudud.

Warar ayaa sheegaya in baaritaankan uu horseedi karo isbeddel lagu sameeyo hannaanka maamulka ciidamada badda Puntland.

Kiiska Markabka Sea World wuxuu durba noqday mid Hadal Heyn badan badan ka abuuray Baraha Bulshada iyada oo weli si faafaahsan uga hadlin Maamulka Puntland iyo Dowlada Federalka.

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles