Saturday, August 8, 2026

MW Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiinta madasha mucaaradka ee hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Sheeekh Axmed ayaa maanta kulankooda seddexaad ku yeelanaya magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta ayaa dhinacyada waxaa ay ka wadahadlo doonaan khilaafka ka taagan nooca doorashada 2026 iyo wax ka badalka dastuurka Soomaaliya.

Natiijada kulankan ayaa si weyn isha loogu hayaa maadaama labadii kulan ee horey dhinacyada isfaham gaari waayeen

Kulankaan ayaa waxaa la filayaa in laga gaaro go’aano muhiim ah oo wax ka bedelaya habka doorashada 2026 iyo sidoo kale dhaqangelinta wax ka bedelka dastuurka.

Natiijada kulanka saddexaad ayaa si weyn isha loogu hayaa, waxaana laga filayaa in ay kasoo baxaan go’aano muhiim ah oo saameyn doona mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya. Waxaa jira walaac weyn oo ku saabsan in haddii wadahadalku uu guuldareysto, Soomaaliya ay gali karto xilli cusub oo khilaafyo siyaasadeed ah, iyadoo doorashada 2026 ay noqon karto mid aan la aqbali karin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamad Maraykankan ah oo amartay in la joojiyo dhisme maamulka Trump ka dhisayey Aqalka Cad

Maxkamad federaal oo racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay heshiiska difaac...

Xiriirka kubada cagta Norway oo soo saaray baaq ku socda madaxweynaha FIFA

Kubadda cagta caalamka ayaa sii kala qaybsamaysa, iyadoo ay...

Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis...

Arday 14 sano jir ah oo toogasho ku laayay dad ay kamid yihiin ayeeydiis iyo awoowgiis

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles