Dagaal beeleed markale ka qarxay duleedka Ceelbuur

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu mar kale ka qarxay deegaanka Meersiis oo hoostaga degmada Ceelbuur.

Dagaalkaan ayaa u dhexeeya maleeshiyaad hubeysan oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Guriceel iyo Ceelbuur, kuwaasoo muddooyinkii dambe isku hayay arrimo la xiriira muranno dhuleed iyo ismaandhaafyo la xariira saami qeybsiga kheyraadka deegaanka.

Sidoo kale dagaalka ayaa salka ku haya, kadib markii dhawaan naleeshiyaad ka soo jeedo magaalada Ceelbuur ay dad rayid ah ku dileen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Goob-joogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay in la maqlayo dhawaqa rasaas culus iyo hubka waaweyn, iyadoo ay jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka.

Dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba in dagaalku ku faafo deegaanno hor leh.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka weli kama aysan hadlin xaaladda, balse wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dadaallo nabadeed hore loogu jiray uu fashilmay, taasoo keentay in colaadda dib u qaraxdo maanta.

Dagaallada sidan oo kale ah ayaa horay uga dhacay deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaasoo saameyn xun ku yeeshay nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isku socodka dadka shacabka ah.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles