Dagaal beeleed markale ka qarxay duleedka Ceelbuur

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu mar kale ka qarxay deegaanka Meersiis oo hoostaga degmada Ceelbuur.

Dagaalkaan ayaa u dhexeeya maleeshiyaad hubeysan oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Guriceel iyo Ceelbuur, kuwaasoo muddooyinkii dambe isku hayay arrimo la xiriira muranno dhuleed iyo ismaandhaafyo la xariira saami qeybsiga kheyraadka deegaanka.

Sidoo kale dagaalka ayaa salka ku haya, kadib markii dhawaan naleeshiyaad ka soo jeedo magaalada Ceelbuur ay dad rayid ah ku dileen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Goob-joogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay in la maqlayo dhawaqa rasaas culus iyo hubka waaweyn, iyadoo ay jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka.

Dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba in dagaalku ku faafo deegaanno hor leh.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka weli kama aysan hadlin xaaladda, balse wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dadaallo nabadeed hore loogu jiray uu fashilmay, taasoo keentay in colaadda dib u qaraxdo maanta.

Dagaallada sidan oo kale ah ayaa horay uga dhacay deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaasoo saameyn xun ku yeeshay nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isku socodka dadka shacabka ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles