Tuesday, July 1, 2025

Booliiska Puntland oo qabtay nin naag iska dhigi jiray

Ciidamada booliiska maamulka Puntland, gaar ahaan qeybta gobolka Mudug ayaa maanta gacanta ku dhigay nin dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in uu iska dhigi jiray naag, sidoo kale xiran jiray dharka dumarka caanka ku yihiin.

Ninkan booliiska maamulka Puntland maanta soo bandhigeen ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Cali Shire, hasa ahaatee ninkan naagta iska dhigayay ayaa magaciisa Axmed u bedelay lana baxay magaca Anisa Cali Shire.

Saraakiisha booliiska maamulka Puntland ayaa sheegay in ninkan ay qabteen lagu sameyn doono baaritaanno dheeraad ah, waxa ayna xuseen in loo gudbin doono laamaha caddaaladda , si loo marsiiyo ciqaabta uu mudan yahay.

Xarigga ninkan naagta iska soo dhigay ayaa kusoo aadaya xilli xalay magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay nin kale oo isna naag iska dhigay , sidoo kale soo sameestay horaadaha dumarka loona heesan jiray in uu dumar yahay.

WARARKII KALE

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa G/Sh/hoose iyo ilaaladiisa oo la dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka...

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW dalka Qatar oo kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliland

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar Sheikh...

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaalamay G/Sh/Dhexe oo maanta ka furmay degmada Warsheekh

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Wasiirka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles