Dagaal culus oo xalay ka dhacay Degmada Doolow ee G/Gedo

Wararka laga helayo degmada Doolow ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo la socda kuwa maamulka Jubbaland xalay weerar ku qaadeen xero ciidanka nabadsugida Soomaaliya ku leeyihiin degmadaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidanka dowladda lagu weeraray xeradii ay joogeen, iyadoona dagaal saacado badan uu halkaasi ka socday.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Itoobiya, ayaana la sheegay in ciidanka dowladda taabcasan ee joogga xerada la weeraray ku amreen in ay is dhiibaan soona wareejiyaan hubka ay heystaan, hasa ahaatee ciidamada ayaa amarkaasi diiday dagaalna la galay ciidamada huwanta ah.

Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka xalay  ka dhacay degmada Doolow ayaan la ogeyn inta uu la egyahay.

Xerada xalay la weeraray ayaa la sheegay in ay joogeen ciidamo taabacsan Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo dhawaan DFS  usoo magacawday taliyaha NISA ee Gedo, waxaana xerada la weeraray yaalay gaadiid dagaal uu horey Janan ugu wareejiyay dowladda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles