Dagaal culus oo xalay ka dhacay Degmada Doolow ee G/Gedo

Wararka laga helayo degmada Doolow ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo la socda kuwa maamulka Jubbaland xalay weerar ku qaadeen xero ciidanka nabadsugida Soomaaliya ku leeyihiin degmadaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidanka dowladda lagu weeraray xeradii ay joogeen, iyadoona dagaal saacado badan uu halkaasi ka socday.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Itoobiya, ayaana la sheegay in ciidanka dowladda taabcasan ee joogga xerada la weeraray ku amreen in ay is dhiibaan soona wareejiyaan hubka ay heystaan, hasa ahaatee ciidamada ayaa amarkaasi diiday dagaalna la galay ciidamada huwanta ah.

Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka xalay  ka dhacay degmada Doolow ayaan la ogeyn inta uu la egyahay.

Xerada xalay la weeraray ayaa la sheegay in ay joogeen ciidamo taabacsan Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo dhawaan DFS  usoo magacawday taliyaha NISA ee Gedo, waxaana xerada la weeraray yaalay gaadiid dagaal uu horey Janan ugu wareejiyay dowladda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles