Monday, September 1, 2025

Puntland oo si adag ugu hadashay qabsashadii Al-shabaab ee degmada Maxaas

War ka soo baxay maamulka Puntland ayaa waxaa si adag loogu cambaareeyay weerarkii ay maleeshiyadaย  Al-Shabaab ku qaadeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaas oo sababay in ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ay ka baxaan magaalada, taasoo keentay in Al-Shabaab ay la wareegto gacan ku haynteeda degmadaasi.

Puntland ayaa qoraalkeeda ku tilmaamay weerarka mid โ€œwaxuushnimo ah oo si toos ah u beegsanaya shacabka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha difaaca dalka u taaganโ€. Puntland waxay sidoo kale tacsiyo tiiraanyo leh u dirtay ehelada dadkii ku naf waayay weerarkaasi, iyadoo ammaanay halganka iyo geesinimada ciidamada ku sugnaa Maxaas.

Sidoo kale Puntland si gaar ah u bogaadisay doorka ay qaateen ciidamada deegaanka ee iska caabiyay weerarka, inkasta oo ugu dambeyn ay dib uga gurteen magaalada.

โ€œSi loo xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah, waxaa lagama maarmaan ah in beesha caalamka ay si dhab ah u garab istaagto dadaallada dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.โ€

Puntland waxay sheegtay in ay aaminsan tahay in xaaladda amni ee ka sii daraysa ee gobollada dhexe ay u baahan tahay iskaashi dhab ah oo dhex mara dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, gaar ahaan Galmudug iyo Hirshabeelle, si loo helo gorshe mideysan oo lagu wajahayo halista kooxda Al-Shabaab.

โ€œArgagixisadu meel walbo oo ay joogto waxay khatar ku yihiin dadkeenna iyo dalkeenna, waana lagama maarmaan in meel looga soo wadajeesto, sidaasi darteed Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay in ay doorkeeda qaadato oo gacan ka geysato dadaalka kasta oo dalka looga sifeynayo argagixisadaโ€ ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Puntland.

Puntland waxay ugu baaqday beesha caalamka in ay si buuxda u garab istaagto dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, iyagoo siinaya taageero muuqata oo dhanka amniga iyo sirdoonka, sil loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee khalkhalgelinaya xasilloonida dalka.

Magaaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa ka mid ahayd meelaha ay saldhigyada istiraatiijiga u ahaa xoogaga Macawiisleyda iyo ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira kooxda Alshabaab, oo sano badan kooxda laga ilaalinayay.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles