Monday, April 27, 2026

Puntland oo si adag ugu hadashay qabsashadii Al-shabaab ee degmada Maxaas

War ka soo baxay maamulka Puntland ayaa waxaa si adag loogu cambaareeyay weerarkii ay maleeshiyada  Al-Shabaab ku qaadeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaas oo sababay in ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ay ka baxaan magaalada, taasoo keentay in Al-Shabaab ay la wareegto gacan ku haynteeda degmadaasi.

Puntland ayaa qoraalkeeda ku tilmaamay weerarka mid “waxuushnimo ah oo si toos ah u beegsanaya shacabka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha difaaca dalka u taagan”. Puntland waxay sidoo kale tacsiyo tiiraanyo leh u dirtay ehelada dadkii ku naf waayay weerarkaasi, iyadoo ammaanay halganka iyo geesinimada ciidamada ku sugnaa Maxaas.

Sidoo kale Puntland si gaar ah u bogaadisay doorka ay qaateen ciidamada deegaanka ee iska caabiyay weerarka, inkasta oo ugu dambeyn ay dib uga gurteen magaalada.

“Si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah, waxaa lagama maarmaan ah in beesha caalamka ay si dhab ah u garab istaagto dadaallada dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.”

Puntland waxay sheegtay in ay aaminsan tahay in xaaladda amni ee ka sii daraysa ee gobollada dhexe ay u baahan tahay iskaashi dhab ah oo dhex mara dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, gaar ahaan Galmudug iyo Hirshabeelle, si loo helo gorshe mideysan oo lagu wajahayo halista kooxda Al-Shabaab.

“Argagixisadu meel walbo oo ay joogto waxay khatar ku yihiin dadkeenna iyo dalkeenna, waana lagama maarmaan in meel looga soo wadajeesto, sidaasi darteed Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay in ay doorkeeda qaadato oo gacan ka geysato dadaalka kasta oo dalka looga sifeynayo argagixisada” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Puntland.

Puntland waxay ugu baaqday beesha caalamka in ay si buuxda u garab istaagto dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, iyagoo siinaya taageero muuqata oo dhanka amniga iyo sirdoonka, sil loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee khalkhalgelinaya xasilloonida dalka.

Magaaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa ka mid ahayd meelaha ay saldhigyada istiraatiijiga u ahaa xoogaga Macawiisleyda iyo ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira kooxda Alshabaab, oo sano badan kooxda laga ilaalinayay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka arrimaha dibadda Iran oo ka hadlay arrinta Hurmuz ee cakiran

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa Axaddii...

Taliyaha ciidamada xoogga oo gaaray Waajid

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud...

DFS oo Puntland ku eedeysay inay rasaas u adeegsatay shacabka Badhan

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed...

Aadan Madoobe oo la isku raacay inuu xisbiga JSP u tartamo xilka madaxtinimada KGS

Kulan xasaasi ah oo xalay ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya...

Maraykanka oo xiray nin Soomaali ah oo lala xiriirinayo burcad-badeednimo

Dowladda Maraykanka ayaa xirtay nin Soomaali ah oo lagu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles